Allbanaadir.com
NEWS

Dad isku qoys ah oo ku dhintay Biriq gurigooda ku dhacday

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay roob xoogan ka da’ay magaalada Dhuusomareeb iyo deegaano kale oo kuyaala gobolka Galgaduud, waxaana roobkaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka aan heleyno  ayaa sheegaya in guri kuyaala deegaan duleedka Dhuusomareeb kuyaala ku dhacday Biriq, waxaana ku dhintay shan qof oo isku qoys ahaa halka mid kalana uu dhaawac soo gaaray.

Guriga biriqda ku dhacday ayaa la sheegay in ay ku noolaayeen 7-qof oo isku qoys ahaa, waxaana biriqda halkaasi ku dishay shan kamid ah qoyskaasi oo isugu jiray hooyo iyo afar caruur ah oo ay dhashay halka qof kalana uu dhaawac soo gaaray.

Dadka deegaanka ayaa u gurmaday qoyska dhibaatada xoogan kasoo gaartay biriqda gurigooda ku dhacday, waxaana la filayaa in deegaanka musiibadu ka dhacday in ay gaaraan saraakiil iyo masuuliyiin katirsan maamulka Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliska Booliska Somalia oo digniin siiyey Xildhibaanada cusub ee labada aqal

Caydiid Ali

Cali Jeyte oo dowladda Mareykanka kala hadlay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Cabdi Cade

Nin lacag been abuur ah wax uga iibsaday Carwo kutaalla Muqdisho oo lasoo qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---