Madaxweynaha Mareykanka oo mag-dhow yaab leh weydiistay dowlada Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu Shiinaha ka dalbado magdhow la xiriira cudurka Coronavirus ee kasoo billowday magaalada Wuhan ee dalkaas, kadibna ku faafay caalamka.

“Kuma faraxsanin Shiinaha. sababtoo ah waxaana rumeysannahay in ay ku joojin kartay [fayruska], halkii uu ka yimid,” ayuu yiri Trump oo weriyayaasha kula hadlay Aqalka cad.

“Waxaa loo joojin karay si dhaqso ah, kumana faafi lahayn caalamka oo dhan,” ayuu yiri Trump oo sheegay inay jiraan siyaabo kala duwan “oo lagula xisaabtami karo Shiinaha”.

Trump ayaa wax laga weydiinayey faallo uu dhowaan daabacay wargeys Jarmal ah oo ku baaqay in Shiinaha ay Jarmalka siiyaan 165 bilyan oo dollar oo magdhow ah, sababo la xiriira khasaaraha dhaqaale ee uu sababay fayruska.

Mar la weydiiyey in Mareykanka ay sidaas oo kale ka fakarayaan, Trump ayaa yiri “waxaan sameyn karnaa wax taas aad uga fudud.”

“Jarmalka waxbay eegayaan, annagana waxbaan eegeynaa, balse weli go’aan kama gaarin lacagta kama dambeysta ah,” ayuu yiri Trump.

Hadalka Trump ayaa dhaliyey jawaab carro leh oo ka timid Shiinaha, iyadoo Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda, ayaa isagoo jooga Beijing, wuxuu siyaasiyiinta Mareykanka ku eedeeyey “inay sheegayaan been cad”, ayna iska indho-tirayaan “dhibaatooyinkooda”, isaga oo aan magacaabin Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -