Faah Faahino kasoo baxaya Sargaaal ciidan oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa xalay Xaafada Soona Key ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen sargaal katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya xili uu kasoo baxay masaajid uu salaad kusoo dukaday.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in dhalinyaro biskoolado ku hubeesnaa rasaas huwiyeen sargaalkan magaciisa lagu sheegay Nuur Maxamed Kaahiye (Nuur Gaab) markii uu kasoo baxay masjidka .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kooxda hubeesan ay dhoor xabadood ku dhufteen sargaalka oo isku dayay in uu iska caabiyo raga hubeesan, waxaana la sheegay in Nuur Gaab u dhintay rasaastii lagu dhuftay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya ayaa dilka kadib howlgal ka sameeyay xaafada dilku ka dhacay ee soona key, lamana sheegin ciidamada dad ay usoo qabteen falkan dilka ah ee loo geestay sargaalkan katirsanaa ciidanka booliiska.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xili daraad galab degmada Dharkeenley lagu dilay nin la sheegay in uu ganacsade ahaa, ciidamada amaanka ayaana iyana isla xiligaasi toogtay labo nin oo la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka ganacsadahaasi .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -