Mooshino Xil ka qaadis ah oo caawa laga gudbiyay Maadxweyne Waare iyo Sheekh Cusmaan!!

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in caawa magaaladaasi laga dareemayo xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweynaha Hirshabelle iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Xildhibaano kala taabacsan Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Madaxmed Cabdi Waare iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Sheekh Osman Barre ayaa siyaabo kala duwan caawa u gudbiyay Mooshinka xilka looga qaadayo labada masuul uu khilaafka u dhaxeeyo.

Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi ayaa sheegay in caawa uu qabtay mooshin xil looga qaadayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, waxa uuna xusay in mooshinkaasi saxiixeen 63-Xildhibaan.

Xildhibaanaan mooshinka ka gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa u badan Xildhibaanada Wasiirada ee taageersan Madaxweynaha hirshabelle iyo kuxigeenkiisa kuwaa oo doonaya in meesha ka saaraan Gudoomiye Sheekh Cusmaan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa dhankiisa sheegay in uu qabtay mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, waxa uuna xusay in mooshinkaasi iyana saxiixeen 54-Xildhibaan.

Mooshinadan iska soo horjeeda ee gudbiyeen Xildhibaanada Hirshabelle ayaa kusoo aadaya xili mudo xileedka Madaxda Hirshabelle ay ka harsan tahay bilooyin, waxaana mooshinkan soo dedejiyay khilaaf dhaxeeya Madaxda maamulkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -