Allbanaadir.com
NEWS

Sacuudiga oo joojiyay nuuc kamid ah Xukunadii dilka ahaa uu fulin jiray 

Boqortooyada Sacuudiga ayaa wada isbadalo xoogan oo lagu sameenayo qaar kamid ah xukunada adag ee isugu jiray dilka iyo ciqaabta kale ee lagu fulin jiray dadka dambiyada kala duwan galay.

Digreeto uu soo saaray boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan ayaa lagu amray in la joojiyo xukunada dal dalaada iyo dilka ee lagu fuliyo dadka dambiyada gala xiliga ay caruurta yihiin .

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale dhawaan go’aamisay in la joojiyo ciqaabta karbaashka , waxaana talaabooyinkaan soo dhaweeyay guddiga xaquuqda aadanaha ee Sacuudiga iyo kuwa caalami intaba.

Cahddiga Qaramada Midoobey ee xuquuqdad caruurta oo ay saxiixday Boqortooyada Sacuudiga ayaa dhigaya in caruurta aan lagu ciqaabin dambiyada ay galaan marka ay yaryar yihiin.

Sacuudiga ayaa waxaa ka socda isbadalo waa weyn ay hirgalinayaan Boqorka iyo Wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan, waxaana Sacuudiga horey loogu eedeyn jiray in ay ku xadgudbaan xaquuqda aadanaha ay fuliyaan xukuno adag ay ku jiraan dilalka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin fududeeyay Qaraxyo badan oo ka dhacay Muqdisho oo saakay la toogtay

Cabdi Cade

Shir xasaasi ah oo Magaalada Garowe uga furmaya Siyaasiyiinta Mucaaradka Puntland

Caydiid Ali

Natiijo Horu dhac ah oo laga soo saaray Caafimaadka Maskaxda Donald Trump

admin
Taboola Ads ---