Dowladda oo Muqdisho ka qeybisay agab ka qeyb qaadanaya Xakameynta COVID-19

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka bilaawday Qeybinta Maaskarayaal (Facemasks) oo qayb ka ah qorshaha kahor tagga iyo xakameynta faafitaanka cudurka COVID-19.

Qeybinta maaskaraha oo qorshuhu yahay in la gaarsiiyo dhammaan dadka Sooaamliyeed ayaa loo qeybiyay darawallada Bajaajta iyo gaadiidka dadweynaha iyo qeybo kale oo kamid ah dadweynaha magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo dhaweeyay qroshaha bulshad loogu geybinayo maaskaraha iyo dadaallada kale ee dowladdu ku xakameyneyso faafitaanka iyo saameynta kale ee bulshada uu ku yeelanayo COVID-19.

Dowladda oo si wanaagsan isaga xil saartay xakameynta faafitaanka cudurka ayaa horay u qaaday tillaabooyin lagu yareynayo saameynta uu COVID-19 ku yeelanayo bulshada Soomaaliyeed.

 

- Advertisement -