Allbanaadir.com
NEWS

Magaca iyo Sawirka askarigii xalay dilka ka geestay Muqdisho oo lasoo bandhigay

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay askari katirsanaa saldhiga booliiska degmada Boondheere oo xalay dil dad badan ka naxeen u geestay labo qof oo shacab ah oo ku sugnaa gurigooda.

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaana xaqiijiyay in xabsiga la dhigay D/Le booliis Xasan Aadan Xasan oo 24-sano jir ahaa kaa oo dil bareer ah u geestay Wiil iyi gabar shacab ah oon waxba ka galabsan.

Labada Marxuun uu askarigan dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi oo 17 sano jir aheyd iyo  Xasan Cali Cadaawe oo isna  24 sano jir ahaa, waxaana dilka labadan marxuun uu xalay ka dhacay degmada Boondheere.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in askarigan gacan ku dhiiglaha si deg deg ah maxkamad loo saari doono si loogu qaado dambiga dilka ah uu xalay ka geestay magaalada Muqdisho.

Dilka uu xalay geestay askarigan katirsanaa ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka abuuray rabshado, waxaana dad badan oo dilka ka careesnaa xalay gubeen taayaro iyagoo sidoo kale wadooyinka qaar xireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tahriibayaal ku sugnaa Liibiya oo Nolosha lagu gubay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Farmaajo oo Kulan dhiiro galin ah la qaatay Dhaqaatiir shaqo adag qabatay(Sawirro)

Cabdi Cade

Roobow & Musharaxiin kale oo sheegay inuusan sharci aheyn Sii-hayaha Madaxweynaha KG (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---