Allbanaadir.com
NEWS

Banaan bax rabshado wata oo saakay mar kale ka bilowday magaalada Muqdisho

Waxaa saakay mar kale banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeeday dil xalay askari katirsan ciidanka Booliiska Soomaaliya degmada Boondheere ugu geestay wiil iyo gabar aan waxbo galabsan.

Dad badan oo ka careesan dilka ayaa saakay isugu soo baxay Isgooska Jubba iyo xaafadaha ku dhaw dhaw, waxaana dibad baxayaasha gubayeen taayaro iyagoo sidoo kale dhagxaan ku jaray laamiga iyo wadooyin kale.

Dibad baxayaasha ayaa ka careesan dilka ay ciidamada booliiska u geesteen labada qof ee shacabka ah, waxa ayna dibad baxayaasha ku qeylinayeen ereyo ka dhan ah ciidanka booliiska gaar ahaan kuwa jooga Isgoosyada Muqdisho.

Qaar kamid ah ehelada dadka la dilay ayaa sheegay in aysan aasi doonin meyudka labada ruux ee gardarada loo dilay ee ay ka helaan cadaalad, waxa ayna wax laga xumaado ku tilmaameen hab dhaqanka ciidanka dowlada.

Related posts

Puntland oo ka hor timid wadahadalka Somaliland & Somalia uga socda Jabuuti

Caydiid Ali

Shan nin oo lagu helay in ay katirsan yihiin Al Shabaab oo lagu riday Xukun dil ah

Cabdi Cade

Israel oo duqeyn ku dishay hogaamiye sare oo ka tirsan Kooxda Xisbullah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---