Wasiir Goodax oo ka hadlay xiisad ganacsi oo ka dhax aloosan Puntland iyo Hirshabelle

Waxaa sii xoogeesanaya xiisada ganacsi ee ka dhax aloosan maamulada Puntland iyo Hirshabelle ,kadib markii Madaxweynaha Puntland amray in alaabaha kasoo dega Dekadda Boosaaso aan loo gudbin deegaanada ka baxsan Puntland.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa walaac xoogan ka muujiyay amarka kasoo baxay Madaxweynaha Puntland , waxa uuna sheegay in talaabada Puntland qaaday ka dhalan karto in gobolada cunaqabateyn dhaqaale isku soo rogaan.

”Tallaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalan kara cunaqabateen dhaqaale ee goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu danbeyntii curyaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland”ayuu yiri Goodax.

Wasiir Goodax Barre ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in uu ka fiirsado talaabadan ay qaadeen kahor inta uusan maamulka gobolka Hiiraan sahansan il kale sidoo kale dhankooda aysan soo rogin cunaqabateyn dhaqaale.

Gobolka Hiiraan ayaa raashinka iyo alaabaha kale ee la geeyo inta badan kasoo degaan dekadda Boosaaso, halka Qudaarta iyo caanaha laga qaado gobolka Hiiraan sidoo kale loo iib geeyo deegaanada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -