Idaacad kutaala Baraawe oo amar layaab leh lagu soo rogay iyo masuul kahor yimid amarkaasi

Maamulka magaalada Baraawe ee caasimada Koonfur Galbeed ayaa ku amray idaacad kutaala magaaladaasi in ay joojiso in ay wararka iyo barnaamijyada kale ee ka baxa ku tabiso afka Barwaaniga ay ku hadlaan inta badan dadka kunool magaaladaasi.

Sida aan wararka ku helnay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dhibsaday in Idaacada kutaala Baraawe ay barnaamijyada qaar ku tabiso afka Barwaaniga iyagoona amray in idaacadaasi joojiso in ay wax ku tabiso afkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose Ibraahin Najax oo ka hadlay arintan ayaa sharci daro ku tilmaamay falka lagula kacay Idaacada, waxa uuna ku amray maamulka magaalada Baraawe in ay fasaxaan barnaamijyada idaacadaasi laga joojiyay.

“Waxaan Maamulka Degmada Baraawe amray in ay dib-u-fasaxaan Idaacadda Baraawe, oo sifo aan sharci ahayn horey looga joojiyay sii deynta lahjadda Barawaaniga oo ay deyn jirtay idaacadda.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Idaacada Baraawe ay u madax banaan tahay sii deynta barnaamijyada kala duwan ee ka baxa , waxa uuna xusay in ay ilaalinayaan madax banaanida Warbaahinta.

Shacabka magaalada Baraawe ayaa aad ula yaabay in la caburiyo loona diido in afkooda Idaacada wax ku tabiso, waxaana xusid mudan in Idaacadaha kuyaala magaalada Baydhabo wax ku tabiyaan Lahjada Maayga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -