Go’aan dhowaan ka soo baxay gudoonka labada Aqal ee Baarlamanka oo la dhaliilay

Gudoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliyeed waxay si wadajira u go’aamiyeen in goleyaashu xiran yihiin, taas oo la macno ah in goleyaashaas la kala diray inta ay dib dambe doorasho u soo gelayaan. Waa ayaandarro weyn iney labo qof oo keliya go’aamiyaan masiirka siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan tixgelin rabitaanka ummadda oo dacwada taladoodu ka go’do awooda sare ee Allah.

Gudoomiyeyaashu mar hore ayey albaabada isugu dhufteen labada gole inta aysan hadda qiil u helin cabsida ka dhalatay faafida cudurka COVID-19, taasina waa astaan aysan wejigooda ku siin karin iney naftooda keliya si run ah oo daacad ah ay kula noolaadaan. Xaqa xildhibaanka iyo xaqa ummadda u matelayey hadaad labadaba duudsiisay waxaad dhinac martay xaqa Ilaahey oo ah codka ilaahey aqbalo inuu yahay codka shacabka ( Il voce del Dio e il voce del popolo).

Baarlamaanku waa maskax ummadeed oo midowdey, taas oo uu waajibaadkeedu yahay iney si wadajira isugu hayso dalka, marka ma ahan in dawo laga raadiyo in dib loogu noqdo wixii dalka soo burburiyey oo dadkiisa ka dhigay xaqlaaweyaal, kadib markii la waayey baarlamaan awood u leh iney difaacaan amniga dadka iyo ilaalinta madaxbanaanida dalka. Haddii la joojiyo ama la waayo in la maqlo xildhibaano hadla oo fekerkooda siyaasadeed ku cabira rabitaanka dadka ay metelaan oo ka tirsan qeybaha kala duwan ee shacabka soomaaliyeed.

Xildhibaanka ma ahan shaqsi uu keensaday gudoomiye, laakiin waxaa baarlamaanka ummadda keenay saddex waajibaad oo gudashadiisa looga baahan yahay: Wajibaadka 1aad waa daacad ugu adeegida maslaxada dalkiisa oo ah inuusan dalkiisa qiyaamin, uguna shaqeeyo sida saxda ah ee lagu ilaalinayo amniga, xoriyada, iyo sharafta dalka; Waajibaadka 2aad waa u adeegida danaha siyaasadeed oo ay xaqa u leeyihiin dadka uu matelaadooda siyaasadeed wakiil uga yahay awood vqeybsiga haykalka dowladda oo ah inuusan qiyaamin wakiilnimada metelaadooda; wajibaadka 3aad waa meelmarinta fikirka uu mabda’ ahaan uga tirsan yahay aragti wadaaga uu la leeyahay xisbi siyaasadeed oo uu ka tirsan yahay, waana inuusan marna ku kicin qiyaano weydaarsan danaha dhabar jebinaya mowqifka aragtida xisbigiisa siyaasadeed.

Gudoomiyeyaasha labada gole ee baarlamaanka Soomaaliyeed waxey soo dedejiyeen gabaldhaca lagu kala dirayo baarlamaanka oo ay hilow badan u qabeen madaxda dowladda soomaaliyeed. Waa arrin aad u murugo badan inaad qaadataan xaalad aad u xanuun badan oo aad goobjoog ka noqoneysan silica iyo saxariirta uu u nafbaxayo baarlamaanka, adinka oo ay idiin muuqatey astaamihii nolosha oo mid mid uga sii baxaya halbowleyaashii wadey howlaha baarlamaanka, ilaa aad maanta marqaati ka noqotaan mugdi madow oo aad xabaal ku geliseen baarlamaankii ummadda Soomaaliyeed.

Waan jecelahay dalka Soomaaliyeed, walow aanan la dhacsaneyn siyaasada maddaxda dowlada hadda talada heysa oo aaminsan iney kalkaalineyso dimoqaraadiyada, iyada qashinka raacineysa dimoqaraadiyada oo albaabada u xireysa baarlamaanka. Haddii la waayo baarlamaan, waxaan la wayneyn ummad gacmaheeda ku raadsata ka tashiga aayahooda.

Waxaa qoray: Saciid Ciise Maxamuud (Sacim)
Maine, USA

F:G. Qoraalkan fekerka uu xambaarsan yahay waxaa iska leh qofka ku saxiixan, kama turjumayo aragtida allbanaadir Online 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -