Haweeney ajnabi ah oo weerar Mindi ku dishay Muwaadin Soomaaliyeed

Muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Salaad, ayaa saacado ka hor lagu dilay xaafadda Elsies River oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika sida ay sheegayaan wararka dalkaas naga soo gaaraya.

Dilka marxuumka ayey wararku sheegayaan iney geysatay haweeney u dhalatay dalkaas oo iska leh dhismaha uu dukaanka ka kireystay ka dib muran soo kala dhex galay.

Haweeneyda ayaa la sheegay iney muranka ka dib si lama filaan ah Mindi ama Toorey ugu weerartay marxuumka taasoo ka haleeshay halbowlaha, isla goobta ayuuna ku geeriyooday sida dadka degaanku sheegeen.

Ciidamada Booliska magaalada Cape Town oo goobta soo gaaray ayaa xiray haweeneyda dilka  arxan darada ah kula kacday muwaadinka Soomaaliyeed, iyadoo falkaas ay ka xumaadeen dadka degaanka oo si weyn u garanayey ganacsadaha Soomaaliga ah ee la dilay.

Dilalka Soomaalida iyo ajaaniibta kale loogu geysto dalka Koonfur Afrika ayaa sanadahan dambe aad u sii kordhayey inkastoo dilalka iyo weerarada intooda badan ay geysanayeen kooxo burcad ah oo dalkaas u dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -