Qarax Khasaaro geestay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay gaari uu la socday sargaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya xili uu marayay laamiga Dayniile gaar ahaan agagaarka Ceelka Ifis.

Qaraxa miino oo ahaa nuuca soo boodada ah ayaa haleelay gaariga uu la socday sargaalka oo nuuciisu ahaa Surf, waxaana qaraxa la sheegay in uu ku dhintay sargaalka gaariga watay oo lagu magacaabayay Cali Bariis halka ay dhaawacmeen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Ciidamo katirsan dowlada oo si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa goobtaasi ka qaaday dhaawacyada askartii waxyeelada kasoo gaartay qaraxa, waxaana dhaawacyada qaar la sheegay in ay culus yihiin.

Qaraxan miino ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ka dhaca hareeraha laamiga cusub ee Dayniile tan iyo markii la dhisay, waxaana qaraxa kadib goobtaasi baaritaano ka sameeyay ciidamada amaanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -