Allbanaadir.com
NEWS

Guri kuyaala Muqdisho oo soo dumay iyo khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Guri kuyaala agagaarka isgooska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in uu kusoo dumay shaqaale doonayay in ay dib u dhis iyo dayactir ku sameeyaan sida goobjoogayaal ku warameen.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in gurigan oo dhismo hore ahaa koox shaqaale ah doonayeen in ay soo dumiyaan si dib u dhis loogu sameeyo, hasa ahaatee dhismaha guriga ayaa si lama filaan ah ugu soo dumay.

Inta la xaqiijiyay labo nin oo kamid ahaa shaqaalihii ka howlgalayay gurigaasi soo dumay ayaa geeriyooday sadex kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo  qaarkood culus yihiin, waxaana loola cararay xarumo caafimaad.

Dhismayaal kuyaala magaalada Muqdisho ayaa sidan oo kale ugu soo dumay dad ka shaqeenayay, waxaana horey uga dhashay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso Magacyada) Guddiga Badbaadada Doorashooyinka oo hogaan cusub doortay

Caydiid Ali

Ergeyga Madaxweynaha oo dalbaday in balaayiin dollar oo magdhow ah Somalia la siiyo

Caydiid Ali

Abwaan ka tirsanaa kooxda Heegan oo lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---