Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Galmudug oo xariga ka jaray qeyb lagu kordhiyey Isbitaalka Gelinsor

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka dowlad goboleedka Galmudug Dr. Mahad Caabi Ciise iyo xubno la socday ayaa maanta howlo shaqo u tagay degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay, Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda iyo Garsoorka, La-taliyaha Madaxweynaha Galmudug ee dhanka Amniga Gen. Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb, Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Masuuliyiin kale ayaa xariga ka jaray qeybta Hooyada iyo Dhallaanka ee Isbitaalka degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Dhismaha Qeybtan ayaa waxaa fuliyay Jaaliyaddaha dibeda ee degaanka ka soo jeeda iyadoo uu horey u dhagax dhigay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) xiligii uu ku jiray safarkii Nabadda ee uu ku soo maray degaanada Galmudug.

Gudoomiyaha Degmada Galinsoor Xirsi Muuse Maxamuud oo ugu hareyntii ka hadlay Munaasabadda xarig jarka ayaa u mahadceliyay jaaliyaddii ka qeyb qaadatay dhismaha Qeybta lagu kordhiyay Isbitaalka degmada Galinsoor oo uu xusay iney wax weyn ka tarayso daryeelka hooyada iyo dhallaanka degaanka.

Dr. Maxamed Nuur Axmed Agaasimaha Isbitaalka Gelinsoor iyo C/qani Daahir oo ka mid ahaa Guddigii u xilsaarnaa dhismaha Xaruntan ayaa ka hadlay baahiyaha ka jira isbitaalka, isagoo xusay in xarunta Caafimaadlka degmada ay muddo labo sano ah u xiran tahay Dhaqaale la’aan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug C/raxmaan Cali Diiriye ayaa isna xusay in loo baahan yahay in degmada Galinsoor ay hesho xuquuqdii ay ku lahayd Dowlad Goboleedka Galmudug isagoo xusay in shacabka ku dhaqan gobolka ay diyaar u yihiin iney ka qeyb qaataan horumarinta degaanadooda.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaalada iyo Garsoorka oo isna ka hadlay munaasabadaas ayaa u mahad celiyey Jaaliyadda Dibadda, isagoo ka codsaday inay sii wadaan qorshaha ay ku caawinayaan bulshada degaanadooda.

Ugu dambeyn Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Mahad Caabi Ciise oo xariga ka jiray qeybta cusub ee lagu kordhiyey Isbitaalka Gelinsor ayaa u mahadceliyay dadka muxsiniinta ee dhaqaalaha ku bixiyey dhismahan loogu adeegayo bulshada.

“Waxaa nasiib darro ah in xarunta Caafimaadka Galinsoor ay labo sano u xiran tahay Dhaqaale la’aan la soo gudboonaatay Hay’adihii Gacanta ku hayay, waxaana Wasaaradda Caafimaadka ay dadaal badan ku bixin doontaa sidii loo heli lahaa cid buuxisa kaalintaas, “ayuu yiri Wasiirka oo heyadaha samafalka ugu baaqay iney gacan ka geystaan howlgelinta xarunta Caafimaadka Gelinsor, kuna darsadaan qorshayaashooda shaqo ee sanadka soo socda 2021.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa dhagax dhigay dhismaha Qeybaha Gargaarka deg dega ah, Shaybaarka, Bukaan socodka iyo xafiisyada Maamulka Isbitaalka, isagoo kormeer ku sameeyey qeybaha dhisan ee Isbitaalka degmada wuxuuna balan-qaaday in Wasaaradiisu intii karaankeed ah ku dedaali doonto horumarinta Isbitaalka Gelinsoor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -