Somaliland oo soo saartay amaro cusub oo uu ka mid yahay in la xiro Masaajidada

Somaliland ayaa sheegtay inay soo rogayso ammaro cusub oo looga hortagayo faafidda cudurka COVID-19, kadib markii ay maanta soo baxday in saddex kiis oo cusub lagu arkay dad kala jooga Hargeysa iyo Boorama.

Tallaabooyinka loo qaaday si loo yareeyo fiditaanka xanuunkan, waxaa ka mid ah in la xiro masaajidyada.

“Qodobbada lasoo saaray waxaa ka mid ah in dadka la amray inay ka maqnaadaan masaajiddada muddo 4 isbuuc ah oo ka billaabaneysa 15-ka bishan, oo qofku uu gurigiisa isaga tukado si loo yareeyo faafidda cudurka,” ayuu yiri wasiirka.

Waxyaabaha kale ee la mamnuucay waxaa ka mid ah goobaha la isugu imaado. Makhaayadaha cuntada ayaa loo oggolaan doonaa oo kaliya in dadku ay raashinka ka qaataan oo aysan ku dhex cunin.

Wasiirka caafimaadka ee Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi, ayaa sheegay in cudurka laga helay 3 qof oo hor leh, waxaana markaas tirada guud ee dadka Somaliland looga helay Coronavirus ay noqonayaan 5 ruux.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -