Tirada dhaqaatiirta dalka Talyaaniga ugu dhintay cudurka COVID-19 oo la shaaciyey

Dalka taliyaaniga Dhaqaatiirtii ugu badneyd ayaa u dhimatay Xanuunka Coronavirus sida ay shaaca ka qaadeen Ururka Kalkaaliyeyaasha dalkaasi ee Fnopi.

Ku dhawaad 105 Dhaqaatiir ah iyo 28 kalkaaliye ayay sheegeen inay dhinteen tan iyo markii Xanuunka COVID-19 uu ka dilaacay dalka talyaaniga

Ururka Fnopi ayaa intaasi ku daray in dhaqaatiirta badankooda ay u dhinteen difaac la’aan sida qalabka wajiga lagu xirto iyo qaarkood oo shaqeynayay 24 saacadood oo xiriir ah kadibna uu ku dhacay xanuunka maadaama ay sameeyeen xiriir joogta ah.

Waxay warbixintooda ku sheegeen in dhaqaatiirta dhimatay ay da’dooda ka sareyso 60 sano jir halka qaarkood ay ku jireen xiliga howlgabka, ayna shaqada ku soo laabteeb markii cudurka uu dad badan soo ritay.

Dad kor u dhaafaya 12 kun oo qof ayaa dalka Talyaaniga ugu geeriyootay Cudurka Coronavirus saddex bilood gudahood, isagoo safka hore kaga jira dalalka dhimashada ugu badan uu ka geystay cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -