Isbitaalka ugu weyn magaalada Muqdisho oo goordhaw shaqada joojiyay

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in maamulka Isbitaalka Erdogan Ex-Digfeer joojiyay inta badan shaqadii isbitaalkaasi ka socotay gaar ahaan daaweynta cudurada kala duwan.

Dhaqaatiir ka shaqeeya Isbitaalka Digfeer ayaa la sheegay in laga helay caabuqa Caronavirus lana karantiilay, waxaana jirta cabsi laga qabo in gudaha Isbitaalka ku faafo cudurkan safmarka ah.

Mid kamid ah masuuliyiinta Isbitaalka Digfeer ayaa warbaahinta u sheegay in la joojiyay gabi ahaanba qaabilida bukaanada marka laga reebo kuwa kusoo dhaawacmay qaraxyada, xabadaha, iyo shilalka.

Sida aan wararka ku helnay waxaa ka shaqeenaya isbitaalka Digfeer qeybta gar gaarka deg dega ah oo loogu tala galay in lagu daweeyo dadka qaraxyada iyo xabadaha iyo waxyaabaha kale kusoo dhaawacma.

Isbitaalka Digfeer oo ah isbitaalka ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa adeegyo caafimaad oo kala duwan u bixin jiray si maalinle ah waxaa u tagi jiray boqolaal qof oo u doonan jiray adeegyo caafimaad.

- Advertisement -