Allbanaadir.com
NEWS

Caro ka dhalatay dil Booliiska Mareykanka u geesteen Wiil Soomaali ah (Sawirro)

Ciidamada booliiska magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa arbacadii toogasho ku dilay Wiil Soomaali ah, kadib markii ciidamada istaajiyeen kadibna rasaas ku fureen gaari uu watay wiilkaasi.

Qaar kamid ah Soomaalida iyo dadka kale ee kunool magaalada Minneapolis, ayaa si weyn uga carooday dilka ciidamada Booliiska u geesteen Doolaal Beyle Ciid, oo ahaa 28 jir ahaa, waxa ayna dadkan dalbanayeen cadaalad .

Ciidamada booliiska ayaana kahor tagay in uu faafo banaan baxan looga soo horjeeday dilka wiilkan Soomaaliga ah , waxa ayna booliiska ka baqayeen in magaalada ka dhaco banaan bax lamid ah kii looga soo horjeeday dilkii George Floyd.

Booliiska oo baahiyay muuqaal hal daqiiqo kayar oo laga duubay dhacdadii lagu dilay Doolaal ayaa saraakiisha booliiska sheegeen in Doolaal kahor inta aan la toogan rasaas kusoo riday booliiska sidaasna ku dhacay dilka.

Aabaha dhalay wiilka la toogtay oo lagu magacaabo Bayle Adod Gelle, ayaa sheegay in aad uga naxeenh dilka wiilkiisa loo geestay, waxa uu sidoo kale sheegay in booliiska yimaadeen gurigiisa ayna khal khal ku abuureen caruurtiisa.

“Booliiska ayaa yimid gurigeena ,cabsi xoog leh ayaan dareemay, waxaan u maleynayay aniga iyo caruurtaba in ay na dili rabaan ,” ayuu yiri aabaha dhalay wiilka booliiska ku dileen magaalada Minneapolis .

Maamulka magaalada Minneapolis iyo saraakiisha booliiska ayaa balan qaaday in baaritaano dheeraad ah lagu sameyn doono dilka ciidamada booliiska arbacii u geesteen Doolaal Beyle.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay hal sabab oo hakisay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab

Caydiid Ali

Xildhibaano Carbeed oo Mucaarad iyo Muxaafid isku feeray (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Xukun adag oo lagu riday Sargaal fududeeyay Weerar lagu qaaday Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade