Allbanaadir.com
NEWS

Dhaqaatiir ka shaqeysa Isbitaalka Digfeer oo la karantiilay iyo Walaac ka jira gudaha Isbitaalka

Waxaa sii kordhaya dadka uu ku dhacayo cudurka Caronavirus ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana shalay wasaarada caafimaadka Soomaaliya xaqiijisay 9-kiis cusub oo laga helay gudaha caasimada.

Idaacada Goobjoog oo kamid ah idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa saakay baahisay in sadex kamid ah dhaqaatiirta ka howlgala Isbitaalka Digfeer laga helay caabuqa Caronavirus.

Shabakada Allbanaadir oo xiriir la sameesay dad ka shaqeeya Isbitaalka Digfeer ayaa noo sheegay in ay maqleen in qaar kamid ah dhaqaatiirta Isbitaalka isaga shakiyeen caronavirus kadibna la karantiilay.

Shaqaalaha isbitaalka ayaana aad uga walaacsan in dhaqaatiir ka shaqeeya Isbitaalka la karantiilay loogana shakiyay in Caronavirus ku dhacay, waxaana gudaha isbitaalka saakay ka jira walaac iyo hadal heyn arintan ka dhalatay.

Magaalada Muqdisho ayaa aad looga cabsi qabaa in uu ku faafo cudurka safmarka ah ee Caronavirus, waxaana ilaa hada la xaqiijiyay in gudaha Muqdisho ugu geeriyooday hal qof halka dhoor qof oo kalana laga helay .

Related posts

Ciidamada Dowladda oo gacanta ku dhigay Sargaal katirsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade

Israel oo Jeneraal sare iyo askar looga laayey Gaza

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Shiikh oo casuumaad ka helay dhigiisa Putin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---