New York: Meydadka dadka u dhintay Covid-19 oo lagu aasayo Xabaal wadareedyo (Sawirro)

Maamulka magaalada New York ayaa waxay Mlaabeen inay xabaal wadareedyo ku aasan dadkii u dhintay xanuunka corona, xilli tirada dhimashada ay wali sare u sii kacayso.

Sida ku cad warbixin la soo saaray, Magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa noqotay meel ka sara marta dhanka tirada dadka uu soo ritay Corona dalalka kale guud ahaan caalamka marka Mareykanka laga reebo.

Tirada uu magaalada New York soo ritay cudurka Covid-19 ayaa Khamiistii gaartay 159,937, taasi oo ka sara martay dalka Spain oo dadka uu cudurka so ritay ay dhan yihiin (153,000 qof) halka Taliyaaniga ay tiradda gaartay (143,000).

Shiinaha oo ah goobtii uu cudurka ka s bilaabmay ayaa tiradu ahayd 82,000 oo kiis taasi oo micnaheedu tahay in magaalad New York ay ka sara martay dhammaan dalalka klae ee Mareykanka ka baxsan.

Guud ahaan dalka Mareykanka dadka uu cudura soo ritay ayaa tiradoodu gaartay 462,000, halka ay dhimashadu mareyso ku dhawaad 16,500.

Guud ahaan caalamka tirada uu cudurka soo ritay ayaa imika gaartay 1.6 milyan oo qof, halka tirada dhimashada caalamka ay mareyso 95,000.

Iyada oo magaalada New ay hogaaminayso caalamka tirada dadka uu soo ritay cudurka Corona, dhimashaduna ay taha 7,000 ayaa dhanka dhimashada waxay ka hooseysaa dalka Spain oo ay dhimashadu mareyso 15,500, halka Taliyaaniga ay cuduka ugu dhinteen 18,000.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -