Madaxda DF oo loogu baaqay in shacabka horyimaadaan runtana u sheegaan

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ugu baaqay madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya in ay shacabka hor yimaadaan una sheegaan runta si looga hortago caabuqa Caronavirus.

Waxa uu sheegay Mr Warsame in Madaxda dowlada laga doonayo in ay dadka horyimaadaan, runtana u sheegaan soona bandhigaan tabarteenna la tacaalida xagga qalabka baaritaanka, qolalka daryeelka sare, qalabka oksijiinka caadiga ah iyo kan mashiinka ah.

Halkan ka Akhriso Qoraalka uu arintan uga hadlay C/raxmaan C/shakuur

Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda in ay shacabka horyimaadaan, hoggaanna muujiyaan, si shacabka ay u helaan xog sugan oo la xariirta Fayriska Karoona. Hawshan hoggaankeeda kuma filna wasaarad, adduunka oo idilna madaxda sare ayaa hoggaamineysa dadaalka lagula tacaalayo Karoona Fayris. Waxay ahayd in horay loogu diyaargaroobe, dhowr jeer oo horena hoggaanka dawlada waan xasuusinay, laakiin talaabooyin wax ku ool ah lama qaadin . Haddaba waa in talaabooyin kan siyaasadeed iyo kuwo farsamo degdeg loo qaado.

Kaalinta hogaanka siyaasadeed waa in

1- Madaxdu ay dadka horyimaadaan, runtana u sheegaan, oo ay ugu horreyso inta ay tabarteenna la tacaalida la egtahay, xagga qalabka baaritaanka, qolalka daryeelka sare, qalabka oksijiinka caadiga ah iyo kan mashiinka ah.

2- Golaha Amniga Qaranka waa in uu arrinkan si joogta ah uga wada hadlo oo ay madaxda dowlad goboleedyadu ka mid yihiin. Wadahadalku wuxuu noqon karaa warbaahinta la iska arko. Waa in joogto looga tashadaa sida looga hortegi karo aafada Fayriskan dilaaga ah.

3- Wadajir ah loo qaato go’aamo la is waafajinayo bedqabka dadwaynaha, islamarkaana la tixgelinayo saamaynta dhaqaale ee go’aanadaas, maadama inta badan dadkeenu ku nool yihiin waxa kasoo gala xoogsi maalmeedka.

4- In la dhiso guddi ganacsato, bulshada rayadka ah, culimada iyo waxgarad ah oo qayb ka noqda abaabulka istaakulaynta bulshada .
Dhinaca Farsamada

1- Waa in dhiso guddi khubaro saynis iyo dhakhaatiir isugu jira, lehna gudoomiye aqoon durugsan u leh cudurada faafa, si ay dadwaynaha maalin walba ula socdaansiiyaan halka uu xaal marayo.

2- Farriimo iyo talooyin wacyi gelin uu Guddigu hormuud u yahay oo ay dhammaan qaybaha bulshada saameynta ku leh ka wada qeyb qaataan.

Fayriska Karoona waxaa looga samatabixi karaa, Alla oo la tala saarto laguna kabo
taxaddar, digtooni, farriimaha iyo talooyinka khubarada caafimaadka oo la raaco.
Nabigeeenna (NNKH) wuxuu yiri “Hashaada xiro, Ilaaheyna talo saaro”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -