Prof. Dufle: “Waa inaan la faquuqin dadka laga helo cudurka Coronvuris (COVID-19) ”

Prof. Cismaan Max’uud Dufle oo ka tirsan dhaqaatiirta Soomaaliyeed, ahna Senator ka tirsan aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa ka digay in la faquuqo dadka laga helo cudurka Coronavirus oo haatan si weyn ugu faafay caalamka oo dhan dhimasho badana geysanaya.

Hadalka Prof. Dufle ayaa yimid xili ay soo kordhayaan kiisaska dadka Soomaaliyeed ee laga helayo cudurka Coronavirus, isla markaana Wasaarada Caafimaadka DF sheegtay in afar qof oo hor leh laga helay cudurka, iyadoo qofkii ugu horeeyeyna uu cudurkan xalay ugu dhintay Muqdisho.

“Waxaan ka digeynaa in la faquuqo dadka uu soo rito cudurkan, waxayna xaq u leeyihiin iney helaan adeegyada ay baahan yihiin, iyadoo dadka la tacaalaya laga rabo iney qaataan talaabooyinka lagama maarmaanka ah ee badqabka iyo ka hortaga cudurka” ayuu yiri Prof. Dufle.

Dhinaca kale, waxaa uu ka digay in la qaato warar been abuur iyo khuraafaad ah oo dadka qaarkood ay ka faafinayaan cudurkan iyagoo bulshada u sheegaya waxyaabo la isku daweeyo oo xaqiiqada ka fog.

Waxaa jira dad bulshada ka mid ah oo khuraafaad aan jirin ka aaminsan ama ka faafinaya cudurka Coronavirus (COVID-19) sida inuusan ku dhaceynin dadka muslimka ah, qaarkood waxay aaminsan yihiin inuu yahay mala awaal iyo wax aan jirin, kuwo kalena waxay dadka ku marin habaabiyaan in cudurkan lagu daweyn karo waxyaabo ay ka mid yihiin isticmaalka Malabka, Liinta, toonta” ayuu yiri Prof. Dufle.

Prof. Cismaan Max’uud Dufle ayaa sheegay in cudurkan uusan laheyn illaa hadda wax daawo ah, isagoo kula taliyey bulshada iney qaataan talooyinka dhaqaatiirta.

“Haddii aad isku aragto calaamadaha cudurka, kaliya raac tilmaamaha ka hortaga iyo badqabka ee ay soo saareen dhaqaatiirta iyo heyaddaha kale ee Caafimaadka ku shaqada leh” ayuu yiri Prof. Dufle oo bulshada ugu baaqay iney khalkhal muujinin oo ILAAHAY talo saartaan.

Waxaa uu sheegay dhaqtarku in cudurkan uu yahay mid halis ah oo deg deg ah ku faafa, loona baahan yahay inaan la dhayalsan.

“Soomaalidu waa iney hurdada ka kacdaa oo ay dhab u qaataan digniinaha la bixinayo, maxaa yeelay Dowladaha ugu awooda badan dunida dhinaca dhaqaalaha, aqoonta iyo Tiknolojiyada sida Talyaaniga, UK, France Spain, Maraykanka iyo wadamo la mid ah oo adeegyadooda Caafimaadka ay tayadoodu aad u sareyso ayuu cudurkan dhimasho xad dhaaf ah iyo khal-khal ku abuuray waxaana loo baahan yahay inaan cashar ka qaadano arrintaas, maadaama dalkeena uusan xamili karin dhibaatada uu geysan karo cudurkan duruufaha dhinac walba leh ee ka jira awgeed” ayuu yiri Prof. Dufle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -