Magaaladii uu kasoo bilowday Caronavirus oo xayiraada laga qaaday (Daawo Sawirada)

Magaalada Wuhan uu kasoo bilowday cudurka dunida sida weyn ugu faafay ee Caronavirus ayaa si rasmi ah xiyaarada looga qaaday xili inta badan wadamada caalamka ay xayiraad kusoo rogeen dadkooda si ay uga hortagaan in cudurka ku faafo.

Kumanaan dad ah oo ku go’doonsanaa magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha ayaa saakay bilaabay in ay banaanka usoo baxaan , waxa ayna inta badan dadka go’doonka ku jiray saakay u baxayaan magaalooyinkii ay kasoo jeedeen si dadkooda ula midoobaan.

Dowlada Shiinaha ayaa si rasmi ah u qaaday xayiraadi socdaalka ee magaalada Wuhan saarneyd labadi bilood ee laso dhaafay, waxaana labadaasi bil la mamnuucay in lasoo galo ama laga baxo magaalada Wuhan.

Dadka aan u dhalan magaalada Wuhan ayaa saakay aroor hore bilaabay in ay tagaan goobaha laga raaco tareenada iyo garoomada diyaaradaja si ay magaaladaasi uga baxaan una aadaan magaalooinka ay kasoo jeedaan.

Dowlada Hoose ee magaalada Wuhan ayaa sheegtay in maanta kaliya la filayo in magaaladaasi tareen uga baxaan dad ka badan 55-kun oo qof oo mudo labo bil go’doon ku ahaa magaalada.

Magaalada Wuhan uu kasoo bilowday Caronavirus dhamaadka sanadkii tagay ayaa waxa uu magaaladasai ku dilay dad ka badan 3000 oo qof, halka xanuunka uu ku dhacay dad ka badan 81 kun oo qof, dowlada Shiinaha ayaana ugu dambeyn xakameesay cudurkan.

Inta badan wadamada caalamka ayaa dadkooda xayiraad kusoo rogay kuna amray in guryahooda joogaan, halka ddaka Shiinaha uu qaaday xayiraadii ka dhalatay cudurka Caronavirus kadib markii dowlada xakameesay dadaal badan ku bixisay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -