Qaar ka mid ah Shaqaalaha Ethiopian Airlines oo laga helay cudurka Coronavirus

Saddex ka mid ah shaqaalaha shirkadda dayuuradaha ee Ethiopian Airlines ayaa laga helay cudurka Coronavirus sida uu sheegay Madaxa shirkadda Tewelde Gebremariam.

Wuxuu intaas ku daray in shaqaalaha cudurka laga helay ay ku jiraan daryeel caafimaad laguna karantiilay goob u gaar ah shaqaalahooda oo ay sharciyeysay wasaaradda Caafimaadka Ethiopia.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli shirkadda Ethiopia Airlines ay tahay shirkadda kaliya ee xilligaan duulimaadyada ku sameysa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyadoo fasax ka haysata dowladda federalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, shirkadda Ethiopian Airlines ayaa shaacisay in saameynta ka dhalatay cudurka Coronavirus ay sababtay in shirkadu khasaarto lacag dhan 550 milyan oo dollar.

Tewelde Gebremariam, ayaa sheegay xilligan, shirkaddu inay hakisay duullimaadyadii ganacsiga ilaa boqolkiiba 90, taasoo macnaheedu yahay inay duuleyso 10 boqolkiiba oo keliya goobaheedii caalamiga ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -