Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dad careysan oo dab qabadsiiyay Safaarada Israel ee Magaalada..

Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Cammaan iyo sidoo kale qaybo kale oo ka tirsan UrdunĀ  ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan weerarka Isbitaalka Gaza oo Israel ay ku leysay boqolaal qof.

Dadka dibed baxayey oo aad u careysnaa ayaa gaaray agagaarka safaarada Israel ku leedahay magaalada Camaan, iyagoo dab qabadsiiyey dhismaha Safaarada ka dib markii ay ku tuureen dhalooyin batrool

Ciidamada amaanka Jordan ayay markii dambe isku dhaceen dibed baxayaasha iyadoo la xirixiray qaar ka mid ah dadka dibed baxayey.

Jordan waxay martigelisaa in ka badan laba milyan oo qaxooti falastiiniyiin ah muddo haatan laga joogo dhawr sano, sidaa awgeed waxa jira caro la dareemi karo oo sii kordhaysay 10-kii maalmood ee u dambeeyay.

Falastiiniyiinta ayaa halkan sheegay in dunidu aanay samayn wax ku filan oo lagu joojinayo dhiiga daadanaya ee Qaza waxayna ka caraysan yihiin ficilada arxanka daran ee Israel.

Mudaaharaadyo goos goos ah ayaa caawa ka dhacaya magaalooyinka guud ahaan dalalka bariga dhexe kuwaasoo ka dhan ah Israel, waxayna dadka dalbanayaan in loo furo xuduudaha si ay garab u siiyaan walaalahooda Falastiin.

Related posts

Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la geeyay Madaxtooyada Deni (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mid ka mid ah weriyeyaashii ugu caansanaa BBC oo geeriyooday

Caydiid Ali

Dowlad Afrikan ah oo xabsi iyo ganaax ku rideysa raga timaha u dabta sida Dumarka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---