Hey’adda NISA oo sheegtay iney talaabo ka qaadeyso weriye Harun Macruuf

Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadeyso wariyaha caanka ah Harun Macruuf oo ka tirsan Idaacada Codka Maraykanka VOA Laanteeda afka Soomaaliga.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in Harun Macruuf uu leeyahay xiriiro khatar ku ah Amniga Qaranka.

“NISA waxay talaabada sharciga ah ee ku haboon ku qaadaysaa Harun Macruf, oo leh xiriiro khatar ku ah amniga Qaranka, kuna kacay falal ka baxsan anshaxa warbaahinta.

Waxaan hay’adaha dalka la wadaagaynaa iney ka feejignaadaan xiriirkiisa, soona wargaliyaan laamaha amniga Qaranka” ayaa lagu yiri qoraalka Hey’adda NISA soo dhigtay barteeda Twitterka.

Faahfaahin kama bixin NISA cida uu weriye Harun Macruf la leeyahay cida uu leeyahay xiriirada khatarta ku ah amniga Qaranka, welina ma cadda waxa ay NISA ku qoonsatay weriyahan.

Harun Macruf ayaa ah wariye aad ugu xeel dheer dabagalka iyo xogaha Al-Shabaab, isagoo sidoo kalena sanado ka hor wax ka qoray buugga “Inside Al-Shabaab” oo ka hadlaya sida ay kooxdan u aasaasantay iyo qaabka ay u fuliso howlgalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -