Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madadxweyne Farmaajo oo War ka soo saaray dagaalo ka socdo duleedka Kismaayo

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tilmaamay murugo iyo uur-ku-taallo dirirta sokeeye ee ka taagan deegaanno hoos taga magaalada Kismaayo, waxa uuna ku baaqay in si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo dhiigga macna la’aanta ku daadanaya ee beelaha walaala ah dhexmaraya.

“Innaa Lillaahi waa inaa Ileyhi raajicuun. Waa arrin aan la aqbali karin in colaad ay ka soo cusboonaato dad walaalo ah oo maanta loo baahnaa in ay u midoobaan la dagaallanka argaggixisada Al-shabaab iyo ka xoraynta deegaannada ay joogaan”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay waxgaradka iyo odeyaasha dhaqanka deegaannadaas, culimada iyo dhallinyarada joojinta dhiigga daadanaya ee dadka walaalaha ah.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu u rajaynayaa caafimaad deg-deg ah dhammaan intii ku waxyeelowday dirirtan, waxa uuna Jannatul Firdowsa Alle uga baryey dadkii rayidka ahaa ee naftooda ku waayey colaaddan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo digniin adag hawada u mariyey Madaxda dowlada federaalka

Caydiid Ali

Maxaad ka taqaan Xeer Ilaaliyaha cusub ee Qaranka? (Akhriso Taariikh nololeedkiisa)

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-Shabaab kala wareegay degaano hor leh

Caydiid Ali
Taboola Ads ---