Maxaad ka taqaan Xeer Ilaaliyaha cusub ee Qaranka? (Akhriso Taariikh nololeedkiisa)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka JFS, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir.

Waxaan halkan idinkugu soo gudbinaynaa taariikh nololeedka xeer ilaaliyaha la magacaabay oo ah nin ku cusub heyadaha cadaalada ee dalka.

TAARIIKH NOLOLEEDKIISA

Magaciisa oo buuxa waa Sulaymaan Maxamed Maxamuud, waxaa uu ku dhashay degmada Burtinle ee gobolka Nugal Sanadku markuu ahaa 1982.

Dugsiga Hoose/Dhexe iyo Sare waxaa uu ku qaatay isla Burtinle waxa uuna Dugsiga Sare dhameeyay 2003.

Heerka koowaad ee Jaamacadda waxa uu ku soo qaatay Dalka Baakistaan gaar ahaan Islamabad asaga oo ka qalin jabiyay Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, kulliyadda Shareecadda iyo Qanuunka ayuu bartay Waxa uu ka qalin jabiyay jaamacadda sanadii 2009.

Shahaadada labaad isla Jaamacadda ayuu ku sameeyay asaga oo qaatay shahaadada LLM, sanadkii 2012.

Jaamacada AL Hamd University oo ku taal Dalka Baakistaan gaar ahaan magaaladada Islamabad ayuu ka qaatay shahaadda B.EDUCATION Sanadii 2013.

-Madaxweynaha JFS ayaa u magacaabay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamadda Sare taariikhdu markii ay ahayd Dec 2018.

Waxa uu ka soo shaqeeyey hay’ado dhowr ah iyadoo aan ka xusi karno, si kooban
– Garyaqaan Xeerarka Rayidka ah iyo Dembiyada ayuu kaga soo shaqeeyey dalka Bakistan.

– Xafiiska Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Islaamabaad-Bakistan 2013.

– Lataliye Sharci ayuu kula shaqeeyay maamulka Puntland.

Waxaa uu soo noqday Hormuudkii Kulliyadda Shareecada iyo Qaanuunka, ahna Bare ka tirsanaa, Jaamacadda Puntland State University oo Garoowe ku taala.

waxaa uu soo noqday Lataliye dhanka Sharciga ah,Guddiga madaxa bannaan ee dibu eegista Dastuurka,2018

Maanta oo taariikhdu tahay 25/11/2019 ayaa loo magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -