Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal oo Koonfurta Gaalkacyo u tegay qancinta Xaaf

Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ka dib safar dhinaca dhulka ah oo ay kaga ambabaxeen magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa ka mid ah xubnaha gaaray magaalada Gaalkacyo Senatar Ugaas Dhagey, Senator Dhegdheer Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye, waxaana duleedka Koofureed ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Senator Cabdi qeybdiid, Xildhibaan Axmed Fiqi iyo xubno kale.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanadan ujeedka safarkoodu la xiriiro sidii Axmed Ducaale Geelle Xaaf loogu qancin lahaa inuu aqbalo ka qeyb galka caleema saarka Madaxweyne Axmed Qoorqoor, isla markaana wareejiyo xilka Madaxweynaha Galmudug.

Dhowaan ayey aheyd markii xildhibaanada Mucaaradka ee ka soo horjeeday doorashadii Galmudug ay ayaa taageereen qorshaha dib u heshiisiinta ee uu waday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor si loo horumariyo degaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Sh. Aadan Madoobe oo loo doortay Gudoomiyaha Golaha shacabka BFS

Caydiid Ali

Xarunta cusub ee ciidanka Dhulka oo maanta xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Cadaadis Xooggan oo la saaray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Beesha caalamka oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---