Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Karaash oo tababar u soo xiray ciidamo loogu magac daray Galleyr (Sawirro)

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland oo muddo 6 Bilood ah tababar uga socday xerada Tababarada Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland ee Xorgoble.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa bogaadiyey dhoolatus ay Ciidamada la tababaray oo loogu magac daray (Galayr) soo bandhigeen, wuxuuna sheegay in tayeynta Ciidamada iyo inay helaan Mushaharaadkooda si joogto ah ay tahay waxyaabihii uu ku guuleystay maamulka sanadka hadda dhamaaday.

Axmed Karaash kula dardaarmay Ciidamada la tababaray in ay noqdaan kuwo sida ay tahay u guta waajibaadka saaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Baadari Faafinta Diinta Karishtaanka si hoose uga wada magaalada Muqdisho 

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo la kulmay guddi uu Magacaabay Baarlamanka Somalia (Sawirro)

Caydiid Ali

Abubakar Al-Baqdadi oo sanado ka dib soo diray fariin Maqal iyo Muuqaal ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---