Dowlada iyo Al Shabaab oo siyaabo kala duwan uga hadlay Qarax Lo’ loo adeegsaday

Waxaa shalay duhuradii deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ka dhacay qarax lagu soo xiray labo neef oo lo’ ah, kaa oo la doonayay in lagu weeraro taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Raage oo ku sugan deegaankaasi.

Labada neef ee lagu soo xiray qaraxyada ayaa ku qarxay meel cidlo ah sida uu noo sheegay sargaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya , waxa uuna sargaalkaasi tilmaamay in qaraxa uusan wax khasaaro ah ka dhalan.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada lala eegtay kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka milatariga Soomaaliya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in taliyaha dirqi uga bad baaday qaraxaasi balse ku gubeen gaari dagaal.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in Al Shabaab lo’ usoo adeegsaday qarax , waxa uuna tilmaamay in qaraxaasi uu ka bad baaday taliyaha milatariga Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa xusay in qaraxa uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin ciidan iyo Shacab , waxa uuna intaa raaciyay in ciidamada mar waliba heegan ku jiraan kana hortagayaan dhagarta  Al Shabaab.

Qaraxan Lo’da loo soo adeegsaday ayaa noqotay mid dad badan layaab ku noqotay, waxa ayna Al Shabaab inta badan qaraxyada u adeegsan jireen baabuur halka ay hada bilaabeen in xoolo kusoo xiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -