Maryan Max’uud Axmed oo caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Koox bastoolado ku hubeysan ayaa caawa haweeney waxay ku dileen qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Haweeneyda oo magaceeda lagu sheegay Maryan Max’uud Axmed ayey wararka qaarkood sheegayaan iney ka tirsaneyd ururada haweenka ee gobolka Benaadir.

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab oo War qoraal soo dhigtay barteeda Facebook ayay tacsi ugu dirtay qoyska iyo ehelada ay ka geeriyootay Marxuumad Maryan Maxamuud Axmed.

Goob joogayaal ayaa sheegay in haweeneydan ay rasaas ku fureen labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa kuwaasoo ka baxsaday goobta.

Ciidamada Booliska degmada Yaaqshiid ayaa gaaray goobta lagu dilay marxuumada iyagoo halkaas ka wada howlgalo baaritaan ah mana jiro illaa hadda wax war ah oo ay ka soo saareen dilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -