Al-Shabaab oo goob fagaare ah ku toogatay lix nin oo dembiyo culus lagu eedeeyey

Fagaare ku yaalla magaalada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada dhexe ayaa waxaa ka dhacay xukun dil ah oo al-shabaab ay ku fulisay lix nin oo lagu eedeeyey basaasnimo.

Qaadiga Maxkamadda Al-shabaab ee Jubbooyinka ayaa goob fagaare ah ka akhriyay magacyada 6 nin iyo dambiyada lagu eedeeyay ee sababay in xukunka dilka ah lagu fuliyo.

Waxaa qaadigu sheegay in ragga la dilay ay ay u kala shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka, Kenya iyo dowladda Soomaaliya.

Al-shabaab waxay sheegeen in raggan ay dhamaantood qirteen iney basaasiin ahaayeen, loona soo diray iney shirqoolaan saraakiisha iyo xoogaga al-shabaab.

Al-shabaab ayaa xukuno dil ah marar badan ku fulisay rag badan oo qaarkood ka tirsanaa kooxda ka dib markii lagu eedeeyey iney dalal shisheeye iyo DF basaasiin u ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -