Ninkii toogashada ka geystay Toronto oo magaciisa la shaaciyey

Mas’uuliyiinta dalka Canada ayaa magaca ninkii weerarka ka fuliyey magaalada Toronto habeenkii axadda ku sheegay Faysal Xuseen oo 29 sano jir deganaa magaalada, kaasi oo sidoo kale weerarka lagu dilay.

Booliiska waxay sheegeen in ninkaasi uu dilay gabar 10 jir ahayd iyo haweeney 18 jir ahayd kadib markii uu rasaas ku furay wadda mashquul badan oo ku taalla xaafadda Greektown.

Qoyska ninkaas ayaa sheegay in maskaxda looga jiray Faysal Xuseen.

Bayaan ay soo saareen Isniintii ayey ku sheegeen inay aad uga murugsan yihiin warka aan la qaadan karin ee ah in Faysal uu mas’uul ka ahaa toogashada.

“Inkasta oo aan si walba isugu daynay inana caawimaad u helno muddadii uu la tacaalayey xanuunka, marnaba ma fileyn in tani ay noqon doonto dhammaadkiisa” ayay yiraahdeen qoyska.

Booliiska ayaa weli ka shaqeynaya inay go’aan ka gaaraan sababta dhalisay weerarka, meeshana kama saarin suurta-galnimo kasta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -