Allbanaadir.com
NEWS

Saddex heyadood oo loo ogolaaday iney kor joogto ka noqdaan doorashada Guddoonka golaha shacabka

Guddoomiyaha Guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka Nuur Iidow Bayle oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in doorashada ay kaliya kor joogto ka noqon doonaan masuuliyiinta saddex ka mid ah heyadaha dowladda.

Waxaa uu sheegay in madaxda heyadaha korjoogtada ka noqon doona doorashada ay kala yihiin, Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi, Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan iyo Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey.

Musharaxiin 11 gaaraya oo dhammaantood ka soo jeeda beelaha dega gobolada Koonfur galbeed Somalia ayaa 30-ka bishan Apriil oo ku beegan Isniinta soo socota  ku tartami doona doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa rajo wanaagsan ka qaba in loo doorto xilka gudoomiyaha golaha shacabka halka qaar kalena rajadoodu aad u liidato, waxaa si weyn loo wada sugayaa doorashadan oo shacabka Soomaaliyed ay indhaha ku wada hayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Xuska maalinta aasaaska Midawga Yurub oo Muqdisho lagu qabtay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Khilaafka soo kala dhax galay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed

Cabdi Cade

Wasiirka Amniga oo booqday xarunta Taliska Ciidamada xuduudaha Ciraaq (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---