Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Somalia oo caawa Muqdisho ku geeriyooday

Waxaa ku geeriyooday caawa Magaalada Muqdisho xildhibaan ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamanka federaalka Somalia sida ay sheegayaan warar goor dhow ku soo dhacay warqabadka Shabakada allbanaadir.com.

Xildhibaan Khaliif Shiikh C/llaahi (Duurey) ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho oo xanuun la soo dersay awgiis galabta loo geeyey, lana jiifiyey, iyadoo lagu waday in qaliin lagu sameeyo.

Geerida Xildhibaanka waxaa warbaahinta u xaqiijiyey Xildhibaano kale oo ay asxaab ahaayeen iyo xubno ka tirsan eheladiisa.

Xildhibaan Khaliif Duurey ayaa ka soo jeeday, lagana soo doortay degaanada hoos taga Maamulka Koonfur galbeed Somalia, waxaana geeridiisa ka tacsiyadeynaya madax kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

- Advertisement -