Wararkii Ugu Dambeeyay Khilaafka soo kala dhax galay Cali Guudlaawe iyo Yuusuf Dabageed

Khilaaf xooggan oo salka ku haya hannaanka loo marayo doorashada kuraas kamid ah gollaha shacabka oo taalla magaalada Baledweyne ayaa soo kala dhax gashay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed.

Sida aan wararka ku helnay khilaafka soo kala dhax galay labada masuul ayaa si gaar ah salka ugu haya kuraasta gollaha shacabka ku leedahay Beesha Xawaadle uu doonayo Yuusuf Dabageed in uu maamulo si uu ugu xiro shakhsiyaad gaar ah uu wato.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa wararku sheegayaan in uu doonayo in doorashada kuraastan la furo si looga baaqsado xiisad ka dhalata magaalada Baledweyne halka Yuusuf Dabageed uu u rabo in loo xiro xubno ay wadato Villa Soomaaliya.

Khilaafka soo kala dhax galay labada masuul ee ugu sareeya Hirshabelle ayaa saameyn ku yeeshay guddiga doorashada Hirshabelle oo la sheegay in labo dhinac u kala jabeen, waxaana dib u dhac ku yimid diiwaangelinta musharaxiinta u taagan 11-kursi.

Kulamo saacadihii lasoo dhaafay arrintan xal looga gaarayay ayaa guul dareestay, waxaana wali Baledweyne ka socda dedaalo la doonayo in xal looga gaaro khilaafka si loo doorto kuraasta harsan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa dhawwaan u balan qaaday beelaha leh kuraasta harsan ee taalla Baledweyne in la furayo ayna noqoneyso doorashada mid xalaal ah si looga baaqsado khilaaf iyo dhibaato ka dhalata doorasho la boobo.

Yuusuf Dabageed ayaana wararku sheegayaan in uu ka codsaday Cali Guudlaawe in faraha uga qaado kuraasta beeshiisa si uu usoo qoro qofkii uu rabo, hasa ahaatee waxaa taasi ka biyo diiday Madaxweynaha oo u cadeeyay Yuusuf Dabageed in doorashada la furayo.

Kuraasta khilaafka xooggan ka taagan yahay waxaa qaarkood ku fadhiya Wasiiro hore ay ku jiraan Cabdullaahi Goodax Barre iyo C/risaaq Cumar Maxamed, waxaana kuraasta taalla Baledweyne isku soo sharaxay siyaasiyiin saameyn badan ku leh Hiiraan.

Magaalada Baledweyne ayaana durba laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan ay wadaan siyaasiyiin kasoo horjeeda in doorashada kuraasta harsan ee taalla magaaladaasi loo xiro shaqsiyaad ay si gaar ah u wadato Villa Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -