Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Madaxweyne Jacques Joaquim Yhombi oo u geeriyooday cudurka Coronavirus

Madaxweynihii hore ee Congo, Jacques Joaquim Yhombi-Opango ayaa ku dhintay magaalada Paris kaddib markii uu ku dhacay cudurka Coronavirus.

Waxaa uu jiray 81, qoyskiisa waxay sheegeen inuu xanuunsaday markii uu ku dhacay feyraska Corona.

Mr Yhombi-Opango wuxuu Congo ka talinayay sannadkii 1977-dii ilaa 1979-kii, xilliggaasoo xukunka ka tuuray madaxweynaha haatan xilka hayo ee Congo Denis Sassou Nguesso.

Sannado badan ayuu xirnaa, wuxuu noqday ra’iisul wasaare tan iyo sannadkii 1997-dii oo uu dalkaas ka qarxay dagaallo sokeeye.

Wuxuu u cararay dalka Faransiiska ka hor ina uusan ku soo laaban dalkiisa oo uu muddo 10 sano ka badan dibad joog ahaa ahaa.

Cudurka Coronavirus ayaa dhibaato ba’an ku haya dalal ka tirsan Yurub iyo Maraykanka, waxaana u dhintay illaa hadda dad lagu qiyaasay 30 kun, halka boqolaal kun oo kalena ay la ildaran yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Khilaafkii Imaaraadka iyo Soomaaliya labo sano kadib maxaa iska bedelay ?

Cabdi Cade

Cumar C/Rashiid oo si kulul uga hadlay Xarigii Muqdisho loogu geestay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame

admin

Tahriibayaal Soomaali ah oo inta la jirdilay lagu daadiyay xuduuda dal u dhaw Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---