Allbanaadir.com
NEWS

Aas weyn oo maanta loo sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee qaraxa lagu dilay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo maanta loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) oo xalay lagu dilay Weerar ismiidaamin ah.

Ka qeybgalka Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

Related posts

Dowladda oo soo saartay Amar cusub oo ka dhan ah dadka Faafiya Wararka Al Shabaab

Cabdi Cade

Saney Cabdulle oo lagu wareejiyay saldhigyo ay ka baxeen Ciidamada ATMIS (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: R/W Kheyre oo Shacab badan kula ciiday Daaru Salaam iyo Beerta Nabada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---