Puntland oo ka hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee caawa ka dhacay Garoowe

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax caawa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe.

Wasiir Dhabancad, ayaa sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu fiidnimadii caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir oo uu weheliyay Taliyihii hore ee qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli) oo weerarkaas ku dhaawacmay.

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL CABDISALAAN GU’JIR

Waxaa uu intaas raaciyay in sidoo kale uu jiro qof shacab ah oo isna ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasoo dhammaantood lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee magaalada Garoowe, isagoo xusay ineysan jirin cid loo qabtay.

Dhabancad ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin cid loo qabtay qaraxan balse ay socdaan baaritaano iyo dabagalo lagu ogaanayo halka laga soo abaabulay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca Guddoomiyaha gobolka Nugaal uu culus yahay, laguna shubayo dhiig, iyadoo dhaawaciisa uu u badan yahay dhinaca madaxa, waxaana haatan la tacaalaya xaaladiisa dhaqaatiirta qaliinka ee isbitaalka Garoowe.

Weli ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda qaraxan inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab.

Magaalada Garoowe ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu nabdoon Somalia, loogamana baran weeraradan oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -