Waayeelada uu ku dhacay Caronavirus iyo kuwa ka cabsi qaba oo War farxad leh usoo yeeray

Cudurka Canronavirus ayaa si xowli ah ugu sii faafaya wadamada caalamka, waxaana maalinbo maalinta ka dambeysa sii kordhaya kiisaska dadka laga helayo cudurkan iyo waliba kuwa u dhimanaya.

Caronavirus ayaa la xaqiijiyay in uu dilay dad ka badan 28,000 kun oo qof oo kunool daafaha dunida, waxaana dadka u dhintay cudurkan ay u badan yihiin dad da’ ah oo ka weyn 50-sano jir .

Waxaa dareen badan oo cabsi ah lasoo daristay dadka da’da ah uu cudurkan haleelay iyo kuwa ka cabsi qaba , waxa ayna inta badan aaminan yihiin dadka da’ ah in cudurkan u dhimanayaan hadii uu haleelo.

Dalka Talyaaniga waxaa kasoo yeeray akhbaar farxad galisay dadka da’ ah uu haleelo cudurkan Caronavirus, waxaana la xaqiijiyay nin 101-sano jir ah oo u dhashay Talyaaniga kuna dhacay cudurkan uu hada kasoo bogsaday.

Odaygan 101-sano jir ah oo kunool magaalada Rimini ee Waqooyiga Bari ee dalka Talyaaniga ayaa waxaa haleelay cudurka Coronavirus, waxaana odaygan mudo kadib laga saaray isbitaalkii lagu daweenayay kadib markii uu kasoo bogsaday cudurkan.

Duqa magaalada Rimini, Gloria Lucy oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aad ugu farxeen in caabuqa Caronavirus kasoo bogsado lagana saaro Isbitaalkii uu ku jiray odaygan 101-sano jirka ahaa.

“Runti waa arrin aan la aamini karin, odayga da’da ah inuu cafimaadana raja aad u weyn ayey nagu abuureysaa ,Mr ‘P’ isaga oo uu caafimaadkiisa taam yahay ayuu dib ugu laabtay gurigiisa” ayey tiri Gloria Lucy .

Warkan kasoo yeeray dalka Talyaaniga ayaa wal walka ka yareenaya dadka da’da ah ee la jiifa cudurka Caronavirus iyo kuwa ka cabsi qaba in uu ku dhaco, waxaana markii hore si weyn u faafay in cudurkan inta badan dilayo dadka da’da ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -