Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Puntland oo degaano ka tirsan gobolka Bari ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Ciidamada PSF oo garabsanaya ciidamada kale ee Puntland ayaa sheegay iney ku guulaysteen soo afjarida xubno ka tirsan Daacish oo qaraxyo iyo miinooyin dhigayey wadada isku xirta degaanada Xamure iyo Balidhidin ee gobolka Bari.

Xubnahan ay ciidamada PSF dileen waxaa ka mid ahaa nin kaamiro watay oo horey u duubay kolonyo ka tirsanaa ciidamada amniga oo lala beegsaday qarax dhowr maalmood ka hor, laguna baahiyey barta Internetka.

“Maanta Wuxuu doonayey sidaas si la mid ah inuu doobo qaraxyada lala beegsanayo ciidamada Difaaca Puntland balse maligiisii ayaa galay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada PSF.

Sawirada raggan la dilay oo meyd ah iyo agabkii ay wateen ayaa lagu baahiyey baraha bulshada, waxayna arrintan ku soo aadeysaa xili maalmo ka hor Puntland ay toogasho ku fulisay in ka badan 20 xubnood oo lagu eedeeyey iney ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xil ka Qaadis lagu sameeyay Wasiiro iyo Agaasimayaal Musuq maasuq loo heesto (Akhriso)

Cabdi Cade

Digniin laga soo saaray Weerar laga cabsi qabo in lagu qaado Garoonka Aadan Cadde

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Muddo kororsi waa jiri karaa, laakiin waa in lagu heshiiyaa”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---