Allbanaadir.com
NEWS

Howlihii ka socday xarunta Xalane oo hakad la galiyay iyo AMISOM oo ka hadashay

Taliska ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa ku dhawaaqay in si KMG ah loo hakiyay shaqooyinkii kala duwanaa ee ka socday xarunta Xalane ee ku dhagan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qoraal kasoo baxay midowga Afrika ayaa lagu sheegay in mudo 30-cisho ah la joojiyay howlihii iyo dhaq dhaqaaqii ka socday xarunta Xalane ee Muqdisho kadib markii qof xaruntaasi ku sugnaa laga helay Caronavirus.

Hakinta shaqooyinkii ka socday xarunta Xalane ayaa saameyn ku yeelan doonaa Shaqada Safaaradaha Shisheeye iyo Hay’adaha UN-ka ee ku yaalla Gudaha Xalane, waxaana inta badan la fasaxay shaqaalihii xaruntaasi ku sugnaa.

Jimcihii ayaa qof ajnabi ah oo ku sugan xarunta Xalane laga heay caabuqa Caronavirus, waxaamna la karantiilay ruuxaasi laga helay Coranavirus iyo dadkii uu la sameeyay xariirka iyo kuwii ku dhawaa.

Xarunta Xalane ayaa ah taliska ugu weyn AMISOM ku leedahay Soomaaliya, waxaa sidoo kale xaruntan sida weyn amaankeeda loo ilaaliyo degay UN-ka iyo qaar kamid ah safaaradaha reer Galbeedka ku leeyihiin Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo xilkii ugu horeeyey u Magacaabay haweeney

Caydiid Ali

Labo Shirkadood oo caan ah oo Dayactir ku sameenaya Isbitaalka Banaadir (Sawirro)

Cabdi Cade

Dayuurad dagaal oo mar kale weerartay dhismeyaal ku yaalla Moosko (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---