Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiinta Gobolka Banaadir oo la ciiday shacabka degmo ka tirsan Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa boqolaal shacab ah maanta Salaada Ciidul Fitriga kula dukaday Degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal Degmo, xunno ka tirsan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Laamaha Amaanka ayaa sidoo kale Salaada Ciida halkaasi ku oogay.

Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka Somalia ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida iney ku soo dhoweeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Turkiga oo Afrika ka furanaya Saldhigii Labaad iyo Jaziirada Sawaakin oo lagu wareejinayo

admin

Gaadiid Dagaal oo ka baxay Muqdisho iyo Abaabul dagaal oo ka bilowday Shabeelaha Dhaxe

Cabdi Cade

Midowga Musharixiinta oo wada abaabulka dibed-baxii Sabtiga lagu balansanaa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---