Cumar Filish oo ka hadlay Qaraxii lagu dilay Eng Yariisow iyo halka ay ku dambeesay …

Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah usoo bandhigin natiijada baarista qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu dilay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Eng Yariisow iyo masuuliyiin kale oo katirsanaa mamulka gobolka.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo wax laga weediiyay halka uu ku dambeeyay baaritaanka qaraxii gobolka ka dhacay ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin badan ka bixiyo.

Cumar Filish oo oo la hadlay Idaacada VOA ayaa ka gaabsaday in faah faahino badan ka bixiyo natiijada baaristii lagu sameeyay qaraxii ka dhax dhacay xarunta gobolka ee ku dhinteen masuuliyiin uu ku jiray Duqii Muqdisho.

Waxa uu sheegay Duqa Muqdisho in dhibaato xoog badan ka dhacday xarunta gobolka Banaadir kuna dhinteen masuuliyiin, waxa uuna tilmaamay in maamulkiisa ka shaqeeyay sidii mar kale uusan u dhici laheyn falkii hore oo kale.

“In dhibaato dhacday waan ogahay, waana qirayaa. Dhibaatadaasoo sababtay inuu ku dhinto Duqii Muqdisho ee aniga iga horeeyay, ayna ku dhinteen hawlwadeeno aad iyo aad muhiim ugu ahaa Maamulka Gobolka Banaadir.” Ayuu yiri Duqa Muqdisho

Cumar Filish ayaa sheegay in maamulkiiisa wax badan kala socon natiijada kasoo baxday baaritaankii qaraxaasi lagu sameeyay, waxa uuna tilmaamay in feelka baaritaanka gacanta ku hayaan laamaha amanaka.

“Runtii arrintaas hay’adaha amniga ayaa si gaar ah gacanta ugu haya. Anigu inta aan ka warqabo in dhib dhacay ayaan ogahay, waxaana xoogga saaray kiiyoo kale sidii uusan u dhici lahayn, taasaa xoogga saaray illaa hadana meelo fiicanee noo marayan, laakiin sidaasee ahayd iyo sidaasaa wax u dhacayn, cid baa iska leh ee anagu malihin.” Ayuu yiri Cumar Filish.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in lasoo bandhigi doono natiijada baarista qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, hasa ahaatee dowlada ayaana soo bandhigin natiijada rasmiga ah ee baaritaanka kana gabasatay sidii caadada aheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -