Shirkad caan ku ah sameynta Gawaarida oo amar iyo canaan la isugu daray !!

Dalka Mareykanka ayaa noqday dalka ugu badan ee laga soo sheegayo kiisaska caabuqa Caronavirus, waxaana dalkaasi aad ugu yaraaday qalabka neefsashada iyo sidoo kale waxyaabaha kale ee dadka uga gaashaamaan karaan caabuqan.

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa soo rogay xeerka wax soo saarka difaaca, waxa uuna xeerkan awood u siinayaa madaxweynaha in uu shirkadaha ku amro in qalab u sameeyaan difaaca Qaranka.

Donald Trump ayaa durba ku ku amray shirkadda General Motors (GM) ee caanka ku ah sameynta baabuurta in ay si deg deg u sameeyaan qalabka bukaanada ka caawinaya in ay neefsadaan.

Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay shirkada General Motors in ay waqti lumineyso, waxa uuna tilmaamay in markii hore maamulka shirkada u balan qaadeen in ay sameenayaan 40-kun oo qalab balse hada u sheegeen in ay hayaan 6-kun oo kaliya.

“Waxa ay noo sheegeen inay si degdeg ah noo siin doonaan 40,000 oo ah qalabka uu bukaanka ku neefsado, hadda se waxa ay leeyihiin waxaan idin siin doonnaa 6,000 oo keliya, weliba dhammaadka April, lacag badan ayayna ku rabaan.”ayuu yiri Trump.

Mareykanka ayaa noqday dalka ugu badan ee laga helay kiissaka Caronavirus, waxaana dalkaasi laga helay in ka badan 100-kun oo kiis, waxaana jirta cabsi laga qabo in uu si faafo uuna dhaliyo dhimasho badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -