Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo qaar kamid ah shaqaalihiisa oo la karantiilay

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat iyo xubno kale oo xafiiskiisa ka shaqeeya ayaa shalay oo jimco la galiyay xaalad karantiil ah, kadib markii mid kamid ah shaqaalaha gudoomiyaha laga helay cudurka Coranavirus.

Moussa Faki ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu Twitterka ku leeyahay ku sheegay in qof kamid ah shaqaalihiisa laga helay Covid 19, waxa uuna tilmaamay in shaqaalahaasi hada xaaladiisa ay fiican tahay.

“Waxaan xaqiijin karaa in mid ka mid ah shaqaalaheyga laga helay cudurka COVID-19, xaalad degan ayuu ku jiraa, tallaabooyin taxadar leh ayaa qaadnay, waxaa nahay Karantiil aniga iyo qaar ka mid ah shaqaalaha”ayuu yiri Moussa Faki.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa sheegay in hada xaalad karantiil ah ku jiraan ayna qaadanayaan talooyinka caafimaad ee laga maarmaanka, waxa uuna rajeeyay in dagaalka cudurkan lagula jiro uu guuleesan doono.

Caabuqa Caronavirus oon kala aqoon madax iyo maato ayaa kusii fidaya wadamada caalamka, waxa uuna cudurkan ku dhacay dad ka badan Haaf Milayn qof oo daafaha dunida ku kala nool halka ay u dhinteen dad ka badan 27-kun oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Wasiir ka tirsan DF uu muddo 3 sano ah xafiis u ahaa hoygiisa?

Caydiid Ali

Elon Musk oo shaqaalaha Shirkadda Twitter ku soo rogay amar cusub oo yaab leh

Caydiid Ali

Mahad & qoyskiisu dowlada Soomaaliyeed ayey cadaalad ka sugayaan! Dhacdo Murugo leh (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---