Ciidanka Iska Caabinta Daalibaan oo taageero hor leh helaya iyo Dagaal socda

Ciidamo badan oo katirsan dowlada Afganistan una badan milatari ayaa diiday in ay hubka dhigaan iskuna dhiibaan kooxda Taalibaan ee dhawaan xoog kula wareegtay magaalada Kabul iyo qeybo badan oo kamid ah dalka Afganistan.

Madaxweyne-ku-Xigeenkii dalka Afganistan, Amurullaahi Saalax, ayaa dhankiisa kasoo horjeestay in Taalibaan la wareegaan talada dalkaasi, waxa uuna cadeeyay in isagu hada yahay Madaxweynaha dalkaasi maadaama dalka ka cararay Madaxweyne Ashraf Qaani.

Ciidamo badan oo daacad u ah Madaxweyne kuxigeenka iyo Janaraalo kale oo dowlada awood ku lahaa ayaa hada isku aruursanaya Waqooyiga Afganistan, waxa ayna ciidankan doonayaan in ay iska caabiyaan kooxda Taalibaan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya Ciiddankii Dowladdii Ashraf Qaani ee diiday inay isku dhiibaan Daalibaan iyo kuwa u daacadda ah Jeneral C/Rashid Dostum inay u jiheysteen si ay ugu biiraan Ciiddanka u daacadda ah Madaxweyne-ku-Xigeenkii dalkaasi, Amurullaahi Saalax oo ku sugan Gobalka Panjshir ee Waqooyiga dalkaasi.

In ka badan 10,000 oo Askari oo ku hubeysan Hubka fudud iyo Qalabka culus ee Ciiddamada kana soo horjeeda kooxda Taalibaan ayaa la sheegay in ay ku biireen ciidanka iska caabinta Taalibaan uu hada hogaaminayo Madaxweyne kuxigeenka.

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya dagaalyahanada Taalibaan iyo ciidankan is aruursaday uu hogaaminayo Amrullaahi Saalax ayaa hada ka socda Wqaooyiga Afganistan gaar ahaan deegaano katirsan Gobalka Panjshir.

Inta badan ciidamadii dowlada Afganistan ayaa hubka dhigay iskuna dhiibay kooxda Taalibaan, waxaana Taalibaan bayaan ay shalay soo saareen ku sheegeen in ay cafinayaan dadkii u shaqeenayay dowlada talada ka tuureen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -