Prof. Dufle oo Bulshada Soomaaliyeed uga digaya halista caabuqa Coronavirus (VIDEO)

Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan dhaqaaatiirta Soomaaliyeed ayaa bulshada uga digay khatarta uu leeyahay cudurka halista ah Coronavirus (COVID-19) oo mudooyinkan ku sii faafaya dalalka caalamka.

Dr. Dufle ayaa sheegay in cudurkan uu keeno Virus cusub oo la yiraahdo (Corona), uuna si fudud ku faafo haddaan la qaadanin talaabooyinka dhinaca Caafimaadka ah ee looga badbaadi karo.

“Siyaabaha cudurkan lagu kala qaadi karo waxaa ka mid ah hindhisada, neefsashada, taabashada gacmaha iwm” ayuu yiri Dr. Dufle oo sheegay in cudurkan uu yahay saf-mar muddo kooban ku fidi kara, dad badana ay u dhimanayaan caalamka.

Calaamadaha cudurka lagu garto ayuu sheegay dhaqtarku iney ka mid yihiin, qufac qalalan, naqaska oo qofka ku adkaada, daal fara badan iyo qandho ama xumad aad u daran, wuxuuna xusay ineysan jirin dawo rasmi ah oo illaa hadda loo helay cudurkan, wuxuuna ku baaqay in qofka haddii uu isko calaamadahan qaarkood uu deg deg ula xiriira dhaqaatiirta.

“Waxyaabaha caawiya in cudurkan uu fido waxaa ka mid ah goobaha lagu kulmo, sida Shirarka, Xafladaha, suuqyada, aroosyada iyo wixii soo raaca” ayuu yiri Prof/Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo bulshada ugu baaqay iney ku dhaqmaan talooyinka dhaqaatiirta si looga hortago in caabuqan uu dalka ku faafo.

HOOS KA DAAWO VIDEO KU SAABSAN WACYI-GELINTA CUDURKAN CORONAVIRUS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -